Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Danjiraha Cusub ee dhowaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u magacaawday dalka Sacuudiga ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas.

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal.

Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ee Magaalada Riyaadh, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Danjire Saalim Macow Xaaji iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal ayaa waxaa ay uga wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada Shacab.

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha xiriirka taariikhiga ah la leh Soomaaliya, waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawisaa dhinacyo badan, sidoo kalena ay saameyn ballaaran ku leedahay siyaasadda Soomaaliya