Safiirka Somaliland u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ka warbixiyey wejigii labaad ee Heshiiska Dekeda Berbera oo dib uga furmay Dubai

Dubai – (warsoor) – Waxa si rasmi ah uga furmay magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta wejigii labaad ee u socday Xukuumadda Somaliland, iyo Dawladda Imaaraadka, sidaynu la wada socono, bishii May sagaalkeedii, waxa halkan ka dhacay heshiis ay labada dal ku galeen, kaasoo ku saabsanaa maalgashiga dekeda Berbera iyo maalgashiga kale ee dhinacyada wadooyinka, iyo ganacsiga oo ay labada dal ku heshiiyeen, waxa runtii farxad weyn noo ah inay nasoo gaadheen weftigii ka socday xukuumadda Somaliland oo iyagu maanta wejigii labaad ee wada hadalka la furay dawladda imaaraadka, Insha Allaahu tacaalla, waxa aanu ka rajaynaynaa inuu wax khayr qabaa inuu uga soo baxo Dalka, iyo Dadka reer Somaliland.

safiir_baashe

Sida aynu la wada socono shacabka reer Somaliland waxay la leeyihiin cilaaqaad fiican dawladda imaaraadka carabta, dawladda imaaraadkuna waxa weeyen dal wax badan tara Somaliland markay noqoto, dhinaca sama-falka, haday noqoto dhinaca biyaha, wadooyinka, abaaraha oo aynu ogayn tiraba laba jeer inay bishii sanadkii la soo dhaafay, inay dadkeena abaaruhu ku habsadeen ay wax soo tareen waa dawlad runtii marwalba barbar taagan, maantana, farxad weyn ayey inoo tahay shacab ahaan inaynu cilaaqaadkeenii ganacsiga ee aynu taariikhiyan la lahayn Somaliland, dawladda imaaraadka aynu samaynay heshiis runtii albaabada u furaya maalgashi iyo xidhiidh joogto ah oo ka dhex dhaca Somaliland iyo imaaraadka.

Weftigu waxay joogi doonaan ilaa salaasada insha Allaah, iyagoo maalintaasna ku noqon doonnaan dalkii, wixii warbixin ah iyo wixii wada hadal ah ee ku saabsan arrintaa iyaga ayeynu u dayn doonaa, balse waxaynu u rajaynaynaa guul, shacbiga Somaliland ee guddo iyo dibedbana waxa aanu uga mahadcelinaynaa, sidii wacnayd ee ay arrintan u tageereen, isuna barbar istaageen arrintaa heshiiska.

Mucaarad iyo muxaafidna waxa aanu leenahay wixii dalka u soo kordhacaya ee wanaaga in xaga wanaagsan layska taago ayaa muhiima oo meel looga soo wada jeesto, waxani waa wax qaranka u soo hadhaya, waa wax jiilka danbe ee dhalinyaradeenu ka manaafacaadsanayaan, wixii la ansixinayo iyo wixii lagu hagaajinayaana waxay noqonayaan wax sifo sharciya loo maro oo baarlamaanka loo geeyo, markaa waxa wanaagsan in aan la siyaasadayn oon wixii xumaani ku jirin xumaan laga deyin, dadka wixii dhaliil qabaana waxay u gudbin karayaan, gudidda wada hadalada iyo xukuumadda inoogu jirta, waase in aynu mucaarad iyo muxaafidba arrintan meel fiican iska soo wada taagno oo ah in aynu mashruucan illaashano, dalal badan oo danaynayey mashruucan inay iyaga u tagaan ayaa jiray, nasiib wanaag Somaliland iyo dekeda Berbera ayaa u heshay nasiib.

Runtii farxad weyn ayey ii tahay anigoo ah safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, in maanta mashruucii ugu balaadhnaa ee ay Somaliland hesho uu noqday mashruucani intii ay Somaliland jirtay ee 25ka Sanno ahayd , insha Allaa waxaanu noqon doonaa mid dhaxal-galla oo dalka iyo dadkuba u aayo, gudidda inoogu jirta heshiiskana uu Alle ku guuleeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka oo ka warbixiyey wejigii 2-aad ee Heshiiska Dekeda Berbera oo dib uga furmay Dubai