Safiirka Somaliland u Fadhiya Ingiriiska oo Ka Warbixiyey Hawlaha Madaxweynaha Uga Qabsoomay Ingiriiska

London – (warsoor) – War-saxaafadeed uu maanta oo Axad ah soo saaray Safiirka Somaliland u fadhiya dalka UK ayuu kaga hadlay muddadii uu madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu joogeen boqortooyadda Ingiriiska waxyaalihii u qabsoomay iyo kulamadii ay la yeesheen masuuliyiinta UK iyo Jaaliyadda Somaliland.

madaxweyne_siilaanyo

Ambassador Cali Aadan Cawaale ayaa war-saxaafadeedkan uu maanta soo saaray waxaa uu ku yidhi, “Asalaamu caleykum shacbi weynaha Somaliland, Waxa ALLA mahaddii ah inu si wanaagsan u soo gaba-gaboobay safarka wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silayo ee ay kamidka ahaayeen Marwad kowaad, Murashaxa xisbul xaakimka KULMIYE mudane Muse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha wasiirradu ay ku joogeen dalkan UK. Wefdigu maanta oo Axad ah ayey haddii ALLA Aqbalo u kicitimi doonaan dalkii hooyo.

Madaxeynaha iyo wefdigiisu intii ay joogeen UK waxay la kulmeen mudaneyaal badan oo ka tirsan Baaralaanka UK iyo Ganacsato waaweyn oo kala duwan, kuwaas oo danayaya inay maal gashi ku sameeyaan dalkeena Somaliland kadib markii ay yaqiinsadeen fursadaha maal gashi  ee ka jira dalkeenna dihin. Waxa shirkado door ahi muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin maal gashi ballaadhan oo ay dalka ku sameeyaan kadib markii masuuliinta Somaliland u bandhigeen jawiga maal-gashi ee ka jira Somaliland iyo shuruucda maal-gashi ee dalka oo si weyn u soo jiidatay dhammaan shirkadihii wafdigu la kulmay.

Wafdigu waxay mudaneyaasha baarlaanka UK u sharxeen geeddi socodka doorashooyinka Somaliland iyo sababaha kallifay kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlamaanka, taas oo ay mudneyaasha baarlamanka UK si wacan u garawsadeen. Mudaneyaasha UK waxay ballan-qaadeen inay gacan buuxda siin doonaan dedaalka horumarineed/dimuqraaddiyadeed ee ay dawladda Somaliland dalka ka waddo.Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxa kale oo ay kulammo door ah la yeesheen Jaalliyadda Somaliland ee deggen UK.  Iyaga oo booqday kulammana ku qabtay badi magaalooyinka waaweyn ee UK.

Safarka wafdiga ayaa ahaa mid guul ku soo dhammaaday.

Ugu dambayn aniga oo ka wakiil ah wefdiga Madaxweynaha waxa aad ugu mahad naqayaa jaalliyadda Somaliland ee UK ee sida aadka u wanaagsan u soo dhoweysay Madaxweynaha iyo wafdiga la socda”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.