Safiirka Shiinaha: Waxaan kordhinaynaa taageerada aan siinno Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya, Amb. Qin Jian ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta Dawladda kaga warbixiyey taageerada ay Dawladdiisa siiso Soomaaliya, si gaar ah mashaariicda horumarineed, deeqaha waxbarashada, maal-gashiga iyo shir madaxeedka Shiinaha iyo Africa oo horaanta Bisha September ka dhacaya Beijing.

Xiriirka Diplomaasi ee Soomaaliya iyo Shiinaha

Xiriirka Diplomacy ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa soo billawday 14-kii Bishii December 1960, waxaa labada Dawladood ay leeyihiin xiriir saaxiibtinimo dheer oo taariikhi ah, wuxuuna ku saleysan yahay iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, waxbarasho iyo dhinacyo kale oo muhiim u ah iskaashiga labada Dawladood.

”Shiinaha iyo Soomaaliya waxa ay leeyihiin saxiibtinimo soo billaabatay 600 Sano ka hor, balse midka diplomacy waxa uu billawday 1960, wuxuuna ahaa mid miro dhal ah oo labada dhinacba kawada faa’idaysteen,waana xoojineynaa taageerada, saaxiibtinimada, iskaashiga wax wada qabsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha”, sidaa waxaa yiri Safiirka.

Mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyey Soomaaliya

Safiirka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka fuliyeen 89 mashruuc intii u dhaxeysay 1960 ilaa 1991-dii, waxaana uu ka xusay dhismaha jidad, Garoonka kubbadda Cagta Muqdisho (Stadium Mogadishu) , Cusbitaalka Benaadir, golaha murtida iyo madadaalada (National Theater) iyo kuwa kale oo badan.

Shiinaha ayaa Soomaaliya u soo diray 13 koox oo ay ku jiraan 393 Dhaqaatiir ah, kuwaas oo daaweeyay kumanaan Soomaali ah, iyadoo tababarro siinayey Soomaalida, waxaana dheeraa deeqaha waxbarasho ee ay Ardayda Soomaaliyeed ka faa’idaysan jirtay waqtigaas.

Deeqaha Waxbarasha hadda

Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dib loo furay 2014-tii,  kadib bur-burkii Dawladeenii 1991, waxaana Dawlada Shiinaha bixineysaa deeqo waxbarasho sannadkii labaad, in ka badan 50 Arday oo Soomaali ah ayaa deeq waxbarasho ka helay Shiinaha Sannadkii hore, kuwaas oo Shiinaha waxbarasho uga maqan hadda, waxaana Sannadkan baxaya (September) Arday ka badan 40, waxaana uu safiirka sheegay in ay kordhinayaan deeqaha waxbarasho.

” Waxaan Sannadkii labaad siinay Soomaaliya deeq waxbarasho, 50 iyo dhawr Arday oo ka fa’ideysatay sannadkii hore, sannadkan waxaa ka faa’ideysanaya in ka badan 40, waxa ayna baxayaan Bisha na soo aaddan, waxa ayna baranayaan kulliyado muhiim ah sida caafimaadka, Computer-ka IWM, waxa aan filayaa in Ardayda door muhiim ah ka qaataan dib u dhiska Dalkooda, ayna buundo u noqdaan xiriirka saaxiibtinimo ee labada Dal”, ayuu yiri safiirka Qin Jian.

Waxa uu intaas ku daray in dhawaan la dhisay urur(China-Somali Association) oo hormuud ka ahaa Arday hore wax uga soo baratay Shiinaha.

Shir madaxeeda Shiinaha iyo Africa: Soomaaliya oo ka qayb galeysa  

Shir madaxeedka Africa iyo Shiinaha (Focac) ayna ka qayb galayaan in kabadan 53 hogaamiye African ah iyo wafuud ballaaran oo la socota ayaa ka dhacaya Magaalada Caasimada ah ee Beijing 3-4 Bisha September, 2018.

Safiirka Shiinaha Amb. Qin Jian ayaa wareysiga ku sheegay in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka qayb geli doona shirka China African Summit.

Waa Madaxweynihii uga horeeyay ee Soomaaliya oo taga Shiinaha kadib bur-burkii Dalka, waxaana uu sheegay safiirka in Shirkan uu  leeyahay fursado badan iyo iskaashi faa’ido u wada leh Shiinaha iyo Africa.

Maal-gashiga:

Shirkadaha Shiinaha ayaa aad u daneynaya in ay maal-gashi ku sameeyaan Soomaaliya, waxa ayna qayb ka qaadanayaan hurumarinta nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Uga dambeyn safiirka Shiinaha ayaa sheegay in ay Soomaaliya ay ka taageeraan dhinacyada Beni’aadannimada oo uu tusaale u soo qaatay abaarihii iyo fatahaaddii dhawaan uu sameeyey Webiga Shabeelle, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay kordhinayaan taageerada ay Soomaaliya siiyaan.

Maxamed Cismaan Cobra

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.