Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador oo kusoo dhoweeyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga

JABUUTI – (WARSOOR) – Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed Cabdikariin, ayaa dalkaas kusoo dhoweeyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah eevJamhuuriyadda Somaliland Mudane Siciid Axmed Cabdikariim oo Maanta booqasho rasmiya ku tagay dalka Jabuuti, isla markaana booqasho ku tagay Xarunta Safaaradda Somaliland ee Jabuuti.

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Jabuuti, halkaas oo ay kala kulmeen soo dhaweyn.

Geesta kale, waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Mudane Siciid Axmed Cabdikariin iyo Safiirku booqdeen Xarunta guud ee lagu tabobaro Diblumaasiyiinta, Waxa aanay halkaas labada masuul kula kulmeen Agaasimaha guud ee Machad-ka Diblumaasiyadda IGAD ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ku taala.

Booqashadan, ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Safiirka Somaliland u fadhiya Wadanka Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed.

𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐥𝐞𝐡

𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐖𝐞𝐛𝐬𝐢𝐭𝐞: https://mfa.govsomaliland.org/
𝐄𝐦𝐚𝐢𝐥: Communications.mofa@sldgov.Org
𝐓𝐰𝐢𝐭𝐭𝐞𝐫: @Somalilandmfa

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed Cabdikariin, ayaa dalkaas kusoo dhoweeyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah eevJamhuuriyadda Somaliland Mudane Siciid Axmed Cabdikariim oo Maanta booqasho rasmiya ku tagay dalka Jabuuti, isla markaana booqasho ku tagay Xarunta Safaaradda Somaliland ee Jabuuti.