Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay Beledweyne October 26, 2016 29 0

Muqdisho – (warsoor) – Safiirka Dowladda Jabuuti ufadhiya Soomaliya, Amb. Aden Xassan Aden ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay kooxaha nabad diidka Al-shabaab ku qaadaan xarun ay ciidamada AMISOM ee Jabuuti ku lahaayeen duleedka Magaalada Beledweyne uusan waxba ka badali doonin howlaha nabad ilaalinta ee ay ciidamada Jabuuti u joogaan gudaha Soomaaliya.

amb-aadan

Safiirka ayaa sheegay in ay sii wadayaan dadaallada ay ku nabadeynayaan Soomaaliya, ilaa iyo inta laga cirib tiraayo haraadiga kooxaha nabad diidka ee ku dhuumaaleysanayo qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

โ€œWeerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsada xarun ay ciidamada Jabuuti ku la haayeen duleedka Beledweyne waxba kama badali doono howlaha nabad ilaalinta ah ee aan ku caawineyno walaalaheen Soomaaliyeed. Anagu marwaliba waxaan diyaar u nahay in dhiigeen iyo dhaqaalaheena intaba aan u hurno walaalaheen Soomaaliyeed illaa iyo inta ay isku filnaasho ka gaarayaanโ€ ayuu yiri safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Amb. Aden Xassan Aden.

Safiirka ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si looga hortago qatarta ay kooxaha nabad diidka umaleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Hadalkaan ka soo baxay safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli shalay maleyshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ay weeraro isugu jira ismiidaamin iyo qaraxyo ay ku qaadeen xarun ay ciidamada jabuuti ku la haayeen galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.