Safaaradda Maraykanka ee Nairobe oo la xidhay

Nairobe – (warsoor) – Safaaradda Wadanka Maraykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobe ee Dalka Kenya ayaa si ku meel gaar ah loo xidhay, kadib markii Nin lagu toogtay Iridka hore ee dhismaha Safaaradda maalintii shalay aheyd.

man-shot-dead-640x854

War la soo saartay website-ka safaaradda ayaa lagu sheegay inay sii xirnan doonto tan iyo 31-ka bishan oktoobar, markaasi ayay shaqadeeda dib u bilaabi doontaa, inkastoo hawlaha deg deg ah ay qaban doonto Muwaadiniinteeda Maraykanka ah iyagu way heli doonaan, sida uu sheegay Safiirka Maraykanka.

War-Saxaafadeed laga soo saaray Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Nairobe aya lagu sheegay in Ninkii toogashada lagu dilay uu heystay Mindi, islmarkaana uu dhowr mar isku dayay inuu gudaha u galo blasé ay joojiyeen Ilaalada albaabka oo Kenyaan ahaa, wuuna isku adkeeyay, taasi ayaa keentay in ay toogashadu dhacdo.

FPI-da Dalka Maraykanka ayaa baaraysa sida ay wax u dhaceen iyo Ninka la tuhunsan yahay waxa uu damacsanaa.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.