Sadiq Khan oo ah Muslimkii ugu horreeyay ee noqda Duqa London

London – (warsoor) – Sadiq Khan oo ahaa musharaxii Xisbiga shaqaalaha ayaa ku guulaystay doorashadii duqa Magaalada London, isagoo jagadaasi hayn doonaa afarta sano ee soo aadan.

Sadiq Khan ma la filayn aadna looma hadal hayn inuu xilkasi ku guulaysanayo, waxaase halkaasi ku soo afjarmay 8 sano oo xilka duqa London uu hayay xisbiga Muxaafidka.

sadiq-khan

Sadiiq Khan waa Muslim-kii ugu horreeyay ee qabta xilka duqa London, waana 45 jir, wuxuuna ka mid yahay 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys ka soo jeeda Dalka Pakistan, aabihii waxa uu ahaa darawal bas, halka hooyadiina ay ka shaqeyn jirtay harqaan.

Duqa cusub ee London waxa uu mar walba ku dadaali jiray sidii uu heer uga gaari lahaa noolasha, waa garyaqaan ka baxay kuliyada sharciga ee Jaamacadda North London, isagoo leh  xaas iyo laba gabdhood.

Duqa London ayaa leh karti ballaaran, waxaana Dadka qaar ay su’aal gelinayaan in Mr Khan uu howshaasi ka soo bixi karo iyo in kale, balse waxa uu ku adkeysanayaa inuu matelayo dhammaan Dadka London, isla markaana uu wax ka qaban doono sinnaan la’aanta.

W.D.C/lahi Ruush

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.