Sacuudiga oo kusoo biiray loolanka iibsashada Manchester United

LONDON – (WARSOOR) – Sacuudi Carabiya ayaa kusoo biirtay tartanka gadashada kooxda Manchester ee horyaalka Premier League-ga, sida ay tabisay Telegraph, waxaana dalabkan cusub uu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee lagu gorgorinayo naadiga United.

Maalqabeenno dhowr ah oo aan magacooda la shaacin oo ay ku jiraan kuwa madaxbannaan oo ku sugan Riyadh ayaa sameeyay gorgoro rasmi ah, sida ay raacisay warbxintan cusub.

Boqortooyda Qatari ayaa sidoo kale diyaarisay dalab ay ku iibsaneyso kooxda Manchester United, kaas oo ku kacayaa adduun lacageed oo gaaraya 5 bilyan oo gini, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Bloomberg News Khamiistii, iyadoo soo xiganaysa dadka xog-ogaal u ah arrintan.

Warbixinta Bloomberg ayaa sheegtay in daladkii ugu dambeeyay ee iibsashada naadigan uu ka yimid Hamad bin Jassim bin Jaber Al Thani, oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Qadar iyo madaxii hore ee Hay’adda Maalgashiga Qatar.

Xafiiska Boqortooyada Qatar iyo Manchester United, midkoodna kama jawaabin cod la xiriiray faah-faahinta warbixnta Bloomberg oo ay u dirtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Maalqabeenka British-ka ah ee Jim Ratcliffe, oo weligiis ahaa taageere Manchester United ayaa isna laga yaabaa inuu soo bandhigo dalabkiisa gadashada United, isaga oo kaashana shirkado gaar loo leeyahay oo ka dhisan Mareykanka.

Manchester United waa kooxda afaraad ee ugu qanisan kubbadda cagta adduunka, sida lagu sheegay falanqeyn ay sameysay Deloitte.