Saad Aljabri oo sheegay inuu ka badbaaday shirqool la mid ah kii lagu dilay Khaashuqji

TORONTO – (WARSOOR) – Sarkaal sare oo horey uga tirsanaa sirdoonka Sacuudiga ayaa sheegay in dhaxal-sugaha dalka Mohammed Bin Salman uu usoo diray koox laga cabsado oo calooshood u shaqeystayaal ah si ay u dilaan isaga oo dibad-joog ku ah Canada.

Wareysi uu siiyey barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka, ayaa Saad Aljabri, oo horey u ahaa isku xiraha sirdoonka boqortooyada iyo dowladaha reer galbeedka, wuxuu ku sheegay in la beegsaday kadib markii uu dalka kasoo cararay 2017, taasi oo ka dambeysay markii uu xukunka maroorsaday dhaxal-sugaha.

Waxa uu sheegay in sarkaal ay saaxiibo yihiin oo ka tirsan sirdoonka dal ka mid ah Bariga Dhexe uu uga digay inuu wajihi doono xaalad la mid ah tii Jamaal Khaashuqji, oo dambi-baarayaasha ay tuhunsan yihiin inay qunsiliyadda Sacuudiga ee Istanbul ay ku dileen koox ay soo dirtay Riyadh, 2018-kii.

“Digniinta aan helay waxay aheyd, ha u dhowaan howl-galka Sacuudiga ee Canada, ha aadin qunsuliyadaha, ha qaadin safaaradda, waxaad meel sare kaga jirtaa liiska,” ayuu Aljabri u sheegay barnaamijka 60 Minutes.

Waxa uu sheegay in kooxda ay timid Canada bishii October 2018, kadibna la masaafuriyey markii ay saraakiisha kastamka u sheegeen been, sidoo kalena la ogaaday inay wateen walxo laga shakiyey.

Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashooyinka Aljabri.

Si kastaba, saraakiisha Canada ayaa 60 Minutes u sheegay “inay ka war hayaan dhacdooyin ay wakiilo shisheeye isku dayeen inay ku halis geliyaan dad ku nool Canada,” ayaga oo ku qeexay hanjaabadda “mid aan gebi-ahaanba la aqbali karin.

Aljabri ayaa sheegay in kooxda lagu magacaabo “Cutubka Shabeelka” ayna yihiin koox qarsoon oo Mohammed Bin Salmaan uu u aas-aasay inay fuliyaan “dilalka ka baxsan sharciga, kufsiga iyo jirdilka,” sida ku cad ashatko sharci ah oo uu 2019-kii diiwaan geliyey sarkala hore oo sirdoon.

Aljabri ayaa sidoo kale sheegay in laba ka mid ah caruurtiisa ay xireen mas’uuliyiinta Sacuudiga, si ay uga aargutaan baxsashadiisa.

XIGASHO: VOA