Ruushka oo uga digay maraykanka Hubka uu siiyo Ukraine

RUUSHKA – (WARSOOR) – Dowladda Ruushka ayaa Mareykanka uga digtay hubka uu siiyo dalka ukraine warbixin Ruushku soo saaray ayaa loogu baaqay maraykanka inuu joojiyo hubka uu siiyo Ukraine, isagoo ka digay in ficilladooda ay sii xoojin karaan colaadda, ergayga Moscow ee Washington ayaa Isniintii sheegay warkan.

Ruushka ayaa sheegay in Hub qiimihiisu dhan yahay 800 milyan oo dollar oo Maraykanku u dirayo Kyiv “ma soo kordhinayso raadinta xal diblumaasiyadeed ama heshiis,” Anatoly Antonov ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta dawladda ee Rossiya 24.

Antonov ayaa ku eedeeyay Washington inay “isku dayday inay sare u qaaddo saamiga, si ay xaaladda uga sii darto.” “Ma dirnay qoraal (diblomaasiyadeed)? Haa, waxaanu carrabka ku adkaynay in aan la aqbali karin xaalad uu Maraykanku hub ugu shubayo Ukraine ayuu yiri Antonov.