Ruushka ayaa sheegay inuu burburiyey kaabayaasha militariga Ukraine

Muqdisho- (WARSOOR) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Ruushka  Igor Konashenkov ayaa sheegay in ay burburiyeen tiro diyaarado Helicopter Mi-24 ah sidoo kale waxa ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, baabuurta gaashaaman iyo kuwa qaada gantaalaha.

Afhayeenka ayaa sheegay inuu burburiyey 3,593 goobood oo ka mid ah kaabayaasha militariga Ukraine. Xarumahan ayaa waxa  ka mid ah afar xarumood oo laga hagi jiray taliska ciidanka Ukraine,hal xarun isgaarsiinta ah, saddex saldhig sidoo kale waxa la burburiyey 54 bakhaar oo lagu kaydin jiray qalabka militariga iyo Rasaasta.

Tan iyo markii uu Ruushka bilaabay dagaalka uu ku hayo Ukraine 24-kii Febraayo, in ka badan 2.5 milyan oo qof ayaa u qaxay dalal kale, iyadoo ilaa 2 milyan oo kale ay ku barakaceen gudaha dalka.