Roobow: “December 2018 ilaa haatan waxa aan u afduubanahay Shaqsiyaad”

MUQDISHO – (WARSOOR) – Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo Dowladda Federaalka kasoo xirtay Magaalada Baydhabo December 2018-kii ayaa Wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in uu u afduuban yahay saraakiil katirsan Dowladda Federaalka.

Roobow ayaa sheegay in Dhibaatooyin dhanka Caafimaadka, Amniga, Nolosha & duruufo kale uu wajahayo saddex sano kaddib, waxaana uu dalbaday in uu dib u helo xorriyadiisa maadaama mowqifkiisa Al-Shabaab horay u caddeeyay sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga oo xannuunsanayo in aan hadlo waxaa igu kalifay, niman shaqsiyaad ah ayaa December 2018-kii isoo afduubtay oo ilaa haatan u afduubanahay, mana ii ogola in aan helo waxyaabaha aasaasiga nolosha ah” ayuu yiri Muqtaar Roobow.

Roobow ayaa si faah-faahsan uga hadlay goobaha la geeyay markii laga waday Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed, muddo 6-bil ah ayuu sheegay in lagu hayay xarunta Nabadsugidda, markii dambe loo wareejiyay Guri kale.

Muqtaar waxa uu tilmaamay in mar ay dhacday in qofkiisa ay isku rasaaseeyeen ciidankii gacanta ku hayay mas’uuliyadda Amnigiisa oo iska hor imaadka dhexmaray uu sababay dhimashada hal askari inkasta oo markii dambe laga wareejiyay.

“Maraaxiil kala duwan ayaa soo maray, mar waxaa dhacday in Ciidan ay ku dagaalameen qolkeyga waxaa ku geeriyooday hal qof, muddo kaddib waa la iga bedelay, Ammaanka & Noloshada maku dhihi karo way sugan yihiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muqtaar Roobow.

Go’aankiisa waxa uu ku sheegay in uu yahay mid uu nabad wax ku raadinayo horayna uu u caddeeyay, hamigiisa siyaasadda ayuu shaaciyay in uusan is bedelin, muddada uu xiran yahay ayuu shaaciyay in uu wax badan aqriyay sida uu hadalka u dhigay.

“Nabad baan wax ku raadiyay waana ku raadin doonnaa haddii aan la I qasbin, hamigeyga siyaasadeed isma bedelin, wax badan waan aqriyay haddii ay qur’aan tahay haddii ay wax kale tahay, waxaana markasta diyaar u ahay in aan dadkeyga horumariyo” Waa sida uu hadalka u dhigay Muqtaar Roobow.

Dhanka kale, VOA oo baahisay Wareysigaan waxa ay sheegtay in ay la xiriirtay Howlgalka AMISOM balse ay ku adkeysteen Mowqifkooda ahaa in aysan xirin Roobow 15-kii December 2018 halka ay ka gaabsadeen Dowladda Federaalka & DG Koofur Galbeed.