Roobab khasaaro geystay oo ka da’ay Somaliland

Somaliland – (warsoor) – Roobab xoog leh ayaa ka da’ay deegaannada xeebaha Somaliland iyadoo meelaha uu khasaraha u geystay ay ka mid tahay deegaanka Cabdi Geeddi oo waqooyi kaga beegan magalada Hargaysa, halkaasi oo la sheegay inay guryo ku dumeen roob dabayl wata oo ka da’ay balse aanay dad wax ku noqon.

Dhinaca kalena, gargaar dhinaca cirka la mariyey ayaa gaaray magaalada Bardaale ee Gobolka Baay oo ay go’doomiyeen roobabkii dhowaan halkaa ka da’ay.

Gargaarkan ayaa waxaa lagu qaaday diyaarado helikobtarro ah, waxaana la geeyey raashin iyo daawo ay qaadeen diyaarado sida gargaar ay bixiyeen hay’adaha deeqda sida USAID.

Magaalada Beledweyne ayaa iyadana ay illaa haatan ka socdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Wararka ka imanaya ayaa sheegaya inay yaraadeen biyaha hase yeeshee ay jiraan xaafado weli aan la geli kairn biyaha jiifa dartood.

Dalka dibeddiisa waxaa ka socda yabooh iyo dhaqaale ururin loo fidinayo dadka ay daadadku ku saameeyeen Soomaaliya. Kulamo ku saabsan dhaqaale ururin ayaa ka dhacay magaalooyinka Minenapolis iyo Toronto oo ka tirsan Maraykanka iyo Kanada.

XIGASHO: VOASOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.