Allaha u naxariistee Wasiirkii hore Dekadaha Muqdisho Somaliya oo geeriyooday

Muqdisho – (warsoor) – Alle ha u naxariistee Nuur Faarax Xirsi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore uu Raysal Wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid.

Wasiirka ayaa muddooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho waxa uuna yaalay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagula tacaalaayay xanuunkiisa.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho Wasiirkii Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi, waxaana aaska ka qeyb gali doono mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaadhay

Muqdisho – ( warsoor ) -Wefdi uu hoggaaminayo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku soo dhoweyeen masuuliyiin uu horkacayey Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Turkiga Vyesi Kaynak Ra’iisul wasaare ku xigeeka dalka, Turkiga garoonka Muqdisho waxaa ku soo dhoweeye, mudane Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibedda Yuusuf Gaaraad Cumar iyo diblomaasiyiin isugu jirta Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga Vyesi Kaynak Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ayaa u kuurgeli doona xaaladaha abaaraha iyo sidii dowladda Turkiga ay sii xoojin lahayd dedaalkeeda ku aaddan gurmadka abaaraha Soomaaliya ka taagan.

waxaa la filayaa in masuuliyiinta sare ee dalka uu la kulmo wefdigaasi ballaaran ee Turkiga ka socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.