Ra’isul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Nairobi – (warsoor) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Y. Yamamoto.

DPM-and-safiirka

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobada ay ka midyihiin xariirka labada dawladood iyo sida loo xoojin lahaa, taageeradda dawladda Maraykanka siiso Soomaaliya sida loo kordhin lahaa, dhisida iyo isku dhafka ciidanka qalabka sida (SNA), si loo helo ciidan Qaran oo hanta guud ahaan Amniga Soomaaliya, doorashada 2016 iyo horumarka siyaasadeed laga gaaray iyo caqabadaha jira.

Mudane Maxamed Cumar Carta ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, isagoo ka codsaday inay xoojiso taageeradaasi.

Kulanka oo  dhamaan qodobada looga hadlay la isla meel dhigay ayaa ku soo dhamaaday guul, iyadoo danjiraha uu xusay inay gacan ka geysanayaan ka mira dhalinta waxyaabihii laga hadlay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.