Ra’iisul wasaarihii dalka Austria oo is casilay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul wasaaraha dalka Austria Sebastian Kurz ayaa xilka iska casilay kadib eedeymo musuqmaasuq oo loo jeediyey dartood,mudane Kurz oo la hadlay telefishinka ayaa yiri “Dalkeyga ayaa iiga muhiimsan qofkeyga. Waxa hadda loo baahan yahay waa xaalado deggan. Waxaan rabaa inaan meel u banneeyo si aan uga hortago fowdada oo aan u xaqiijiyo xasilloonida,”

Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Austria ayaa baaraya Kurz iyo xubno ku dhow kooxdiisa oo looga shakisan yahay inay ku kaceen falal musuqmaasuq.

Hoggaamiyaha xisbiga Greens iyo guddoomiye ku xigeenka Werner Kogler ayaa dhankooda soo dhoweeyay iscasilaadda Kurz.