Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre Oo Ciidamada NISA Kula Dar-daarmay Dar-dar Galinta Sugidda Amniga Iyo Xasilinta Caasimadda

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa kula hadlay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA xaruntii hore ee Xisbiga kuwaas oo ka howlgeli doona sugidda amniga Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo kula dar-daarmay in gacan buuxda lagu qabto cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta. Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, oo ay garabsiiyaan ciidamada si looga guuleysto cadowga had iyo jeer dhibaatooyinka u geysanaya Shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta maalin ay Soomaaliya idiinka baahi badan tahay ma jirto, sugida amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isu xilqaantaa,” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray.

“qaranimadu maahan wax laysa siiyo, aduunka cid nasiin karta ma jirto anagu inaan dadaal iyo juhdi ku bixino mooyee, waana taas mida aan idin kugu imid maanta oo weliba hubo ka badan in aad mudan tihiin.” Ayuu yiri asagoo dareensiinayay ciidanka hawsha baaxada weyn oo hortaala.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.