Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Oo Ka Hadlay Dacwadda Muranka Badda

Garoowe – (warsoor) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay dacwada muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ka digay in siyaasad loo adeegsado, iyadoo laga dhiganayo olole doorasho.

Mudane Cumar C/rashiid ayaa sheegay in heshiiskii MOU uu ahaa mid ku saabsanaa qalfoof badeedka, ujeedkiisuna uu ahaa xuduud badeedka labada dal, isagoo ku dhaliilay in Kenya ay is fahamkaas si qaldan u dhigtay.

raiisal_wasaaraha_soomaaliya

“Qalfoofka guud ee Badda ayuu ku saabsanaa is fahamkaas, sida qareennada ay cadeeyeen ee ku cadeyd heshiiska MOU, wax xuduud ah lagam hadlin, markii aan aragnay in Kenya si xun u isticmaashay is fahamkaas, waxaa ka dhiidhiyay Baarlamaanka oo isla markiiba diiday, waa cadaatay waxay aheyd in dulmi ay wadatay Kenya, 2005-tii  ayay u sameyney Vertical, oo ahaa inay qadkaas jeexeen, hada ka hor 1989 ayay sameeyeen oo ay damceen qadkaas inay jeexdaan”ayuu yiri mudane Sharmarke.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa hoosta ka xarriiqay in aanay ogolaan doonin in taako ka mid ah dhulka ama Badda Soomaali ay leedahay cidna gor-gortan lagala geli doonin, qofna aysan damac kasoo gali Karin haddii uu xil qaran hayo ama aanu heyn.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay Ololaha Siyaasadda ee hadda dalka socda, isagoo sheegay in siyaasiyiinta qaar ay olole doorashada u adeegsanayaan dacwadda Badda,taas oo uu ka digay cawaaqibka ka dhalankara.

“Waxaa ka digayaa dadka rabo inay siyaasada u isticmaalaan arrinta Badda ee raba inay olole doorasho ku galaan, haka waantoobaan ayaa leehaya, waa ayaan darro in arrin qaran oo Soomaali u dhan-tahay in laga raadiyo meel doorasho laga galo, waxaa rabaa inaan u caddeeyo shacabka Soomaaliyeed ee lagu marin habaabiyay in Badda la gatay, waxaas waxba kama jiraan, qareennada dhageysta sida wax u socdaan, dacwadaas waa ku adkaaneynaa”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Xigasho:

Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.