Ra’iisul wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qabilay danjiraha Dawladda Imaaraatka u fadhiya Soomaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman.

Raysalwasaare Rooble iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.