Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay wakiilka hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR ee Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wakiilka hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisee oo ay ka wada hadleen caawinta Qoxootiga  Soomaaliyeed ee dibadda ka soo laabanaya, sidii xal waara loogu heli lahaa dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo caawinta qoxootiga shisheeye ee dalka ku sugan.