Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi Baara Ciidamada lagu la’ yahay Eritrea

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi wax ka qabta cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo Carruurtood laba sanno kahor tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku magacaabay Guddiga oo baaris dhab ah ku sameeyn doona cabashada ay qabaan waalidiin farabadan oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii tababar loogu diray Eritrea.

Guddigaan oo ka kooban 5-xubnood, ayaa waxaa guddoomiye ka ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka,Safiirka Ethiopia,Afhayeenka Xukuumada.

Magacaabista guddigan ayaa timid kadib markii muddo labo maalmood isku xigta ay banaanbaxyo cabasho ah ka dhigeen caasimada dalka qaar kamid ah waalidiinta caruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Halkan ka aqriso wareegtada lagu magacaabay guddigan.