Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka

Muqdisho-(sonna)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiyada uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay inay hirgeliyaan habraacyada u degsan hannaanka doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaana Guddiyada kala hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

  • Qaabka soo xulista ergooyinka iyo doorka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah
  • Xaqiijinta Qoondada haweenka ee 30%
  • Dhaqaalaha ku baxaya doorashada
  • Wadashaqeynta guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka iyo arrimo kale oo khuseeya doorashada iyo hufnaanteeda.