Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay bixinta Ruqsadaha Duulimaadyada

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay bixinta Ruqsadaha Duulimaadyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shahaaddada duulimaadyada hawada iyo ruqsadaha duuliyenimo guddoonsiiyay shirkadda diyaaradaha ee Freedom Air iyo duuliyeyaal Soomaaliyeed, ka dib markii uu ka qeyb galay munaasabad uu lagu daahfurayay bixinta Shahaadooyinka Duullimaadyada hawada (OAC) oo ay bilowday DFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Waaxda duulimaadka soo celinta ruqsad bixinta diyaaradaha oo ahayd sumad muhiim u ah nidaamka dowladnimo, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ugu baaqay ganacssatada iyo shirkadaha ka shaqeeya dalka in ay qaataan ruqsada, si ay uga maarmaan wadamadii kale ee shatiyada siin jiray.

Diyaaradaha iyo duuliyeyaasha Ruqsadaha la siinayo ayaa isugu jira kuwa ka shaqeeya gudaha dalka iyo dibeddiisa, taasoo ay ka muuqanayso sumadda diiwaangelinta Soomaaliya.