Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay kulankii dhex maray isaga iyo midowga musharaxiinta

MUQDISHO – (WARSOOR) – Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.

Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed xuseen Rooble.