Ra’iisul wasaare Rooble oo Ganacsatada ku booriyay in ay qeyb ka noqdaan Gurmadka Musiibadii Suuqa Waaheen ee Hargeysa

MUQDISHO –  (WARSOOR)- Kulan Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed oo Looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa, ayaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso XFS halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talo galay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.