Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Safiirrada Sweden iyo Norway

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay danjirayaasha Waddamada, Sweden iyo Norway u jooga Soomaaliya, Von Uexkull Andreas iyo Rognlie Elin Bergith.

Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa Safiirrada kala haday xoojinta xariirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, in Dowladaha Sweden iyo Norway ay ka caawiyaan dedaallada cafinta deymaha, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Danjirayaasha, Sweden iyo Norway u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre, in Dowladahoodu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorshaha dib u soo kabahasha ee lagu xusay tubaha Qaranka.

Waxayna dhanka kale ammaaneen Safiirrada dib u habaynta ballaaran ee ay Dowladdu ku wado hannaanka Dowlad wanaagga, dhismaha hay’adaha Dowladda, dhaqaalaha iyo Ciidanka.

Sweden iyo Norway ayaa kamid ah Dowladaha dedaalka badan ku bixiyay sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan labayd Qaran jabkii iyo burburkii gaaray ee Sanooyinka badan soo jiitamayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.