Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Addis Ababa

Addis Ababa – (warsoor) — Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa gaaray magaalada Addiss Ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo casuumad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo masuulyiinta la socota ayaa kulamo la leh Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madax ka tirsan midowga Afrika oo ay kawada hadlayaan arinma Muhiim u ah Gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.