Ra’iisul wasaare Cumar oo maalintii labaad wadahadallo la leh masuuliyiinta Galmudug iyo Waxgarad

Cadaado – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalintii labaad ku sugan magaalada Cadaado ayaa kulamo looga hadlayo xal ka gaarida xiisadaha ka jira magaalada Gaalkacyo la leh Madaxda dowlad goboleedka Galmudug.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado, ayaa tan iyo xalay waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelanayay Madaxda dowlad goboleedka Galmudug, kuwaasi oo inta badan diirada lagu saarayay sidii loo qaboojin lahaa colaadda Gaalkacyo.

pm-cabdirashid_cumar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay saraakiil ciidan oo ka tirsan Galmudug, kuwaasi oo uu ka dhageystay xaaladda magaalada Gaalkacyo, iyadoo inta uu shirka socday la isla soo hadal qaaday in la xoojiyo heshiiskii labada Maamul ay kal hore wada saxiixdeen gaar ahaan bishii December ee sanadkii 2015-ka.

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin waxkasta oo lagu xalin karo waxyaabihii sababay gacan ka hadalka oo ay ugu horeyso in la kala qaado ciidamada, isla markaana xabad joojin ay ku dhawaaqaan labada dhinac, si ay u hirgasho dadaalada lagu xalinayo colaadda Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay u amba baxaan magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad goboleedka Puntland.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.