Ra’iisul wasaare Cumar oo booqday Gaalkacyo

Gaalkacyo – (warsoor) – Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay  Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ujeedada uu u tagay Magaalada Gaalkacyo  Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa lagu sheegay in ay tahay in uu qeyb galo wadahalada nabada ee Maanta lagu wado in ay ka furmaan Magaalada Gaalkacyo.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo colaada Gaalkacyo.

hh-640x427

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa kulan looga hadlaayo nabada Gaalkacyo oo ay ka qeyb galaayaan Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug in uu ka furmo Gaalkacyo.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.