Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Kulan La Yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, dhacdooyinkii argagixiso ee u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyn iyo xaaladaha bani’aadminimo iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Safiir Kate Foster ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga tacsiyeysay dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerraradii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyn iyadoo sheegtay in Britain ay ku garab taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalkooda xaqiijinta nabadda dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in qeybaha ka harsan doorashooyinka dalka oo gebogebo maraya ay ku soo dhammaadaan si nabad ah.