Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday xarunta Safaaradda JFS ee magaalada Geneva

Switzerland – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda JFS ee magaalada Geneva ahna ergada joogtada ah ee QM, halkaas oo uu kula kulmay safiiradda Soomaaliya ee Switzerland Marwo Ebyan Maxamed Saalax iyo diblomaasiyiinta safaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ku saabsan shaqada safaaradda ka dhageystay safiiradda ayaa ku bogaadiyay howlwadeennada safaaradda shaqada adag ee ay ku matalayaan qaranka, isagoo dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan.