Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble Oo Agaasimeyaal Cusub Magacaabay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka & Daryeelka Bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa loo magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.

Magacaabista ayaa kusoo aadaysa, iyada oo shalay Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray warqad uu golihiisa wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda uga joojiyay magacaabista xilalka iyo in ay gaaran go’aan uusan ogayn xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Go’aankaas ayaa lagu sheegay in uu fududeynayo wadashaqeynta, isla-xisaabtanka laamaha amniga dowladda iyo in aan la qaadan go’aan saameyn siyaasadeed ku yeelan kara dalka, xiligaan lagu kala guurka.