Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Cambaareeyay Falkii lagu dilay dad Soomaaliyeed oo Marayay Xeebaha Yemen

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa  Cambaareeyay falkii lagu duuqeeyay dad shacab ahaa oo isticmaalayay xeebaha dalka Yemen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen,  wuxuuna falkaasi ku tilmaamay mid ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.