Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Booqday Xarunta Jaamacada Carabta

MASAR – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.

Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka JC isagoo ku soo wareejiyay qeynaha ay ka kooban tahay.
Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay JC, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.