Ra’iisul wasaaraha JFS oo daah furay Mashruuc shaqo loogu abuurayo dhalinyaradda Soomaaliyeed

Muqdisho – (warsoor) – R/wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,  Mudane Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo masuuliyiin kale,  ayaa maanta daah furay Mashruuc shaqo abuur ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Aduunka.

Mashruucaan oo lagu magacaabo SCORE, waa mashruuc lagu maalgalinayo Ganisiga yar yar ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa shaqo la’aanta ay ku heyso.

Lacagta Mashuucaan ku baxeyso, ayaa lagu sheegay  $28 Milyan, Maaligalinta ugu badani waa $150,000 kun, kiisa ugu yarna waa $5,000 kun, iyadoo ilaa iyo hada maaligalin loo sameeyay 70 Ganacsiyo yar yar ah.

R/wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in qorsheyaasha Xukuumadda ugu weyn ay ka mid tahay in shaqo loo abuuri dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah, iyaddoo kaashaneysa saaxibadeeda Caalamka.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.