Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda Seychelles

Muqdisho – (warsoor) – Socdaal laba cisho qaatay oo wafdi ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Seychelles ay ku joogeen Caasimadda Muqdisho ayaa jawi guul leh ku dhammaaday.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles ahna Shirguddoonka kooxda xiriirka ee qaabilsan arrimaha burcad badeedda Xeebaha Soomaaliya H.E. Ambassador Barry Faure ayaa soo dhoweyn iyo casuumaad gaar​ ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi.

Kulan ay yeesheen Labada Wasiiru dowle ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga, la dagaalanka burcad badeedda iyo maxaabiista Soomaalida ee falalkaasi ugu xiran Jasiiradda Seychelles.

Dhankiisa, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E.  Mahdi Ahmed Guled ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles, waxaa ayna ka wada hadleen xiriirka taariikheed iyo midka istiraatiijiyadeed ee labada dal oo ku dhisan iskaashi dhow iyo dano wadaag.

Kulankani oo ahaa mid wax ku ool ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda H.E. Dr. Abdirahman Mohamed Abdi Hashi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Ahmed Ali Dahir.

 W/Q Cali C/qaadir Cali 

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.