Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Booqday Kismaanyo

Kismaayo – (warsoor) –Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cumar Carteh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Afhayeenka Xukuumadda ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose.

Mudane Carteh oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta yimid magaalada Kismaayo islamarkaana uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulka.

“Waxa aan ku faraxsanahay inaan maanta soo gaadhay magaalada Kismaayo; inta aan joogo waxa aan kulamo la qaadan doonaa madaxda sare ee Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada”.

carteh1-640x427

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa ugu dambeyn u mahad celiyay maamulka iyo dhamaan dadka soo dhaweyay isaga oo ku amaanay in ay noqdeen Dawlad Goboleedka ugu horreeyey ee soo dhameystira doorashooyinka 2016.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.