Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo ka qeybgalay xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Dr. Ibraahim Iidle Suleyman, kaasoo xilka kala wareegayay guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Mudane Avv. Caydiid Ilka-xanaf.

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Maxkamadda Sare ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay Wasiiro, xildhibaano, saraakiil iyo howlwadeenada garsoorka, waxaana halkaasi khudbad ka jeediyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Carte, isaga oo ku tilmaamay isbadal taariikhi ah oo dhanka Garsoorka.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa guddoomiyii hore ee Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Ilka-xanaf, oo uu ku tilmaamay tiir ka mid ah tiirarka ugu waaweyn Garsoorka dalka, maadaama uu ka soo shaqeynayay ku dhowaad 60 sano howlaha Garsoorka, maantana uu baneeyey kursiga si sharaf leh oo Wadaniyadi ku dheehan tahay” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare kuxigeenka.

Maxamed_Cumar

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub iyo dhamaamba howlwadeenada garsoorka inay la yimaadaan, hufnaan, daacadnimo iyo isbedel cusub oo ay la yimaadaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan garsoor cadaalad ku dhisan, sinaan iyo Alle ka cabsi, waana inaad wax ka qabataan tabashada dadweynaha ee dhanka garsoorka, waxaana loo baahan yahay dacwadaha loo oogo si sax ah oo aan cidna lagu dulmin” ayuu mar kale kula dardaarmay bahda garsoorka Mudane Carte.

RW_somaaliya

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirkii cusub ee Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal (Geelle), waxaana xilka wareejiyay Wasiirkii hore ee Boostada Mudane Guuleed Xuseen Qaasim.

xafladda_caleemo_saarka_GMSS

“35 sano ka hor waxaa halkan ooli jiray sanduuqyo, maantana waxaa la marayaa Viber Optic in laga hirgeliyo xafiisyada dowladda oo dhan, waana horumar wanaagsan oo dhanka Teknolojiyada iyo isgaarsiinta casriga ah, Wasaaradda Boostadana waan ku ammaaneynaa dadaalkeeda” ayuu yidhi ugu dambeyntiina R. Wasaare ku-xigeenka Mudane Carte.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.