Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Somaliland iyo Puntland Ugu Baaqay Inay Dagaalka Joojiyaan

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa baaq nabadeed u diray Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland inay joojiyaan degaalka ka dhex qarxay dhawaan labada maamul ee la xidhidha xadka u dhexeeya.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Soomaalidu muddo dhawr iyo labaatan sano ah ay dagaalamayeen dagaalkaana aan lagu kala adkaanin, waxaanu dhinacyadda ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan madaama bil Ramadaan lagu jiro.

“Dhinacyadda Somaliland iyo Puntland inay nabad ku xaliyaan wixii khilaafaad ah iyo faraq u dhexeeya. Bil Ramadaaan ayaa lagu jiraa, bil cibaadaa lagu jiraa looma baahna in dhiig Soomaaliyeed la daadiyo. Looma baahna in dhiig dad muslim ah la daadiyo”, sidaasi waxaa yidhi Ra’iisal Wasaare ku-xigeen Mahdi.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenku isagoo hadalkiisa sii watta waxa uu yidhi, “Waxaan dhinacyadda u soo jeedinayaa in la iska daayo hadaladda xanafta leh ee nac abuurka ah ee kala dilaya dadka Soomaaliyeed ee tolyo xididka ah la iska daayo”.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Somaliland iyo Puntland uu dagaalka ku dhex maray xadka labada maamul u dhexeeya. Dagaalkaasi ayaa ka dhacay deegaanka Tukraq waxaana ku dhintay dad ka badan 60 qof oo isku jira ciidamo labada dhinac ka tirsan iyo dad rayid ah. Labadda maamul ayaa wali ciidamadoodu is horfadhiyaan, waxaan heegan ku jira ciidamada labada dhinac. Ma jirto ilaa hadda wax xal ah oo laga gaadhay khilaafka u dhexeeya labada maamul ee la xidhiidha xadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.