Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ku baaqay in loo gurmado dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay Suuqa ugu weyn Hargeysa

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dabkii xalay ka kacay suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa cabiray dareenkiisa ku aadan khasaaraha lixaadka leh ee malaayiinka dollar ee ka dhashay dabka, isagoo ilaahey uga baryay dadkii ku hanti beelay dabkaas bedel ka kheyr badan.

Sidoo kale, Mahdi Guuleed Khadar ayaa Shacabka Soomaaliya ugu baaqay in loo gurmado dadkii uu sameynta ku yeeshay dabkaas.

“Waxaan soo jeedinayaa in gacmaha la is qabsado, in wax laga barto ciriiriga suuqyadeena iyo magaalooyinkeenna sidii aan u habeysan lahayn iyo inaan ka gaashamano masiibooyin kale, Allaa badbaado leh,” ayuu ydhi Mr. Guuleed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqday Saaka goobta dabku ka kacay ayaa shacabka ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan sidoo kalena Beesha caalamka ugu baaqay in gurmad lala soo gaaro dadkii waxyeeladdu gaartay.

Madaxweynaya ayaa sheegay dhaawaca 28-qof oo ay ku jirto Gabar xaamilo ah, kuwaas oo hadda dhaawacooda lagu dabiibayo Cisbitaalka guud ee hargeysa.