Ra’iisal Wasaare David Camaron Isku Casilaaya Ka Bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub

UK – (Warsoor) – Ra’iisal Wasaaraha Boqortooyadda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in uu xilka ka tagaayo bisha October ee sanadkan 2016, ka dib markii aftidiii dadweynaha ee dalkaasi ay ku dhamaatay in Ingiriisku uu ka baxay midowga Yurub.

Ra’iisal wasaare David Cameron oo shir jaraa’id ku qabtay 10 Downing Street ayaa yidhi, “hogaamiye cusub ayaa loo baahan yahay”.

David Camaron ayaa u ololaynaayey in dalkiisu wali ka sii mid ahaado midowga Yurub balse waxaa aftidii la qaaday laga guulaystay 52%. Waxaa iyaguna taageersanaa in boqortooyadd Ingiriisku ka sii mid ahaato Midowga Yurub maamuladda Scotland iyo Northern Ireland.

Hogaamiyaha xisbgia UKIP Nigel Farage ayaa ku dhawaaqay in Natiijadan ka bixitaanku ay ka dhigan tahay inay boqortooyadda Ingiriiska u tahay sida maalinta madax-banaanida oo kale. Halka Boris Johnson uu sheegay in natiijadan aan loo micnaysanaynin in boqortooyadda Ingiriisku ay biriishkii hakisay.

Ra’iisal wasaaraha Scotland Nicola Sturgeon ayaa sheegtay in ay dhab ahaantii go’aansatay in Scotland ay ka sii mid ahaan doonto Midowga Yurub Aftida Labaad ee madax-banaanida Scotland taasi oo si weyn loo naawilaayo hadda.

Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa cabiraysa dareenkeeda ayaa tidhi, masuulka ka soo baxay natiijadda aftida waa murugu weyn. Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa sheegay inay boqortooyadda Ingiriiska ka filayaa in bilowda wadda xaajood ay ku baxayso sida ugu dhakhsaha badan, balse hawshaasi waxay noqon doonto dhabo dheer oo xanuun badan.

Ra’iisal wasaaraha Boqortooyadda Ingiriiska David Cameron ayaa saacado yar ka dib markii uu ku dhawaaqay go’aankiisa waxaa boqortadda ku war-galiyey inuu muddo kooban uu xafiiska sii joogi doono ka dibna uu xilak ku wareejin doono Ra’iisal Wasaaraha cusub ee lagu soo dooran doono shirka Golaha ee dhicin doono bisha October.

david-cameron

“Dadweynaha Biritishka ayaa u codeeyey inay kabaxaan midowga Yurub waana in la ixtiraamaa rabitaankooda,” Cameron ayaa intaasi ku sii daray, “Rabitaanka dadweynaha Biritishku waa hagayaal waxaana waajib ah in la fuliyo”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.