Ra’iisal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Kulamo Ku Yeeshay Addis Ababa

Addis Ababa – (warsoor) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Md. Xasan Khayre ayaa kulamo la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Axmed, waxaanay labada masuul ka wadda hadleen dahana labada dal ka dhexeeya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo maalintii labaad ku sugan magaaladda Addis Ababa waxaana ku wehelinaayey safarka Wasiirka Qorshaynta, Wasiir ku-xigeenka Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa.

Kulanka labadda madaxweyne waxaa si kooban uga hadlay Ra’iisal wasaare Khayre oo bartiisa Twitter soo dhigay nuxurka kulanka ay yeesheen labada masuulu, waxaanu sheegay inuu kulan muhiim ah la qaatay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, kana wada hadleen arimaha labada dalka ka dhexeeya iyo faa’iidooyinka ugu jira labada dal, waxaan kale oo uu sheegay in ay isla qaateen in la xoojiyo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay sidoo kale inuu kala hadlay arimo kale oo aan wali saxaafadda aan lala wadaagin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.