Ra’iisal wasaaraha XFS oo Kismaayo kulan kula yeeshay Saraakiisha ciidamada AMISOM

KISMAANYO – (WARSOOR) – Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo uu la socday  Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xaaji, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay taliyeyaasha sare ee ciidamada Amisom qeybta 2-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland.

Ra’isul wasaaraha ayaa kala hadlay saraakiishasi arrimaha amniga doorashada iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha Jubbaland gaar ahaan howl-galada ka dhanka argagixisada Al shabaab ee ka socdo deegaannada Jubbaland.