Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ururada Dhalinyarada Kala Hadlay Ka Qeybgalka Siyaasadda Dalka

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta qaabilay dhalinyaro mataleysay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, waxaana kulankan ku wehlinayay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa diirada lagu saaray sidii loo dhiiragelin lahaa dhalinyarada si ay qeyb uga noqdaan hanaanka geedi socodka doorashada dalka ee 2016 iyo sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa faah faahin dheer ka siiyay dhalinyarada geeddi socodka 2016, aragtina ka siiyay habka ay dhalinyaradu kaalin uga geysan karaan sidii loo heli lahaa isbadal ku yimaada si Dimuqraadi ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay in dhalinyarada la’aanteed aaney suurtagal aheyn in la gaaro hiigsiga iyo isbadalka dhabta ah.

“Dhalinyarada waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan isbadal, dhexdoodana ay is kaashadaan isna aaminaan, waana in aadnaan cidna ka sugin masiirkiina” ayuu yidhi R.wasaaraha oo tilmaamay in dhalinyaradii SYL ee dalka u horseeday gobanimada ay duruufo adag ku soo beegantay halgankoodii, isla markaana aysan helin fursadaha maanta ay heystaan dhalinyarada Soomaaliyeed, dhanka aqoonta, Teknoliyada iyo dhamaamba adeegyada aas aaska u ahaa abaabulka.

raiisalwasaareCumar

“Xukuumadeyda waa xukuumada ugu dhalinyarada badan xukuumadihii dalka soo maray, waxayna hayaan Wasaaraddaha ugu muhiimsan, sidoo kalena waad la socotaan shaqaalaha dowladda boqolkiiba sideetan waa dhalinyaro, weliba kuwa dalka gudihiisa wax ku bartay” ayuu yidhi raiisla Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale, intii ay socotay wadahadalka dhalinta iyo Ra’iisal Wasaaraha ayay su’aalo weydiiyeen R.wasaaraha, waxaana u badnaa, habka xulista Baarlamaanka soo socda, aqalka sare, iyo sida ugu haboon ee loo heli karo cid la xisaabtanta oo saxda khaladaadka dhici kara.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in dhalinyaradu ay la yimaadaan dadaal iyo karti, si ay ugu suurtagasho inay helaan waxa ay u qalmaan, waxaana sidoo kale dadka su’aalaha weydiiyay ka mid ahaa shaqsiyaad matalayay bulshada baahiyaha gaarka ah qaba, sida dhalinyaro ka socotay Dugsiga dadka indhaha la’ ay wax ku bartaan ee Al Basiir, waxayna ka codsadeen in dadka naafada iyo indhoolayaasha ah lagu daro shaqaalaha dowladda.

Gabagabadii Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka waaniyay dhalinyarada inay dalka ka Tahriibaan, ayna dulqaad yeeshaan, isaga oo xusay in shirkii ka dhacay Malta, lagu diyaariyay qorshe guud oo waxbarid iyo shaqo abuur isugu jira lagu diyaariyay, lana filayo inay dhowaan dhaqan gasho, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in golaha Wasiiradu ay diyaariyeen waxa loo yaqaano siyaada dhalinyarada (Youth Policy), taasoo dhowaan ay meel marin doonaan.

Diyaariye: Mukhtaar

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.