Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Guddi Xaqiiqo Raadin Ah U Magacaabay Eedaha Loo Jeediyay Hay’addaha Amniga

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo soo qiimaysa eedo oo jeediyey Hay’addaha Amnis Soomaaliya Qaabilsan.

RW_Somalia_Cumar_Sharmaarke_660

Ra’iisal Wasaare Cumar ayaa wareegto xafiiskiisa ka soo baxday lagu shaaciyey magacayadda xubnaha uu ka kooban yahay guddidan oo heer wasiira ah:

Gudiidan ayaa ka kooban afar wasiir oo kala ah:

  1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
  2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
  3. Wasiira Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed
  4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac

Guddigan ayaa baadhitaano ku samayn doonta eedaymo loo jeediyey hayadda amniga Soomaaliya oo al sheegay inay dhalinyaro da’a yar oo ka soo baxsaday kooxaha xoogaga Al-shabaab, ay  hay’addaha anmnigu u adeegsaeen inay u basaasaan xogna uga keenaan Al shabaabka, sida lagu daabacay wargeysyada ka soo baxa Soomaaliya.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxa ay cafis u fidisay dhalinyarada la qalday ee ka soo baxsada kooxaha nabadda diidan ee Al shabaab oo u adeegsada caruurta falal kharibaad ah, naftoodana lagu haligo, waxa ayna taakuleyn siisay dhalinyaro badan oo ka soo baxsaday Al shabaabka kadib markii ay garowsadeen in dhaqamada kooxdani uu yahay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka, Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.