Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Dalbaday In Dib Loo Dhigo Xidhitaanka Xeradda Dhadhaab

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya md. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay aad u dagtay in xiligan dib loogu celiyo Soomaaliya qaxootiga waxaanu dalbaday in dib loogu dhigo ugu dambayn sanadda 2019.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo waraysi siiyey jariiradda Washington post ayaa yidhi, “Dhab ahaantii, waxaanu doonaynaa in dadkayaga qaxootiga ahi ay dib ugu soo noqdaan dalka. Balse waa in la dajiyaa habkii dib loogu soo celin lahaa. Maaha in meel madhan dib loogu soo tuuro”.

Raiisal_wasaare_Cumar

Ra’iisal wasaare Cumar ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay isku dayeyso in dawladda Kenya ay ka dhaadhiciso inay dib u dhigto wakhtiga qaxootiga Soomaaliya dib loogu soo celinaayo Soomaaliya. Waxaanu sheegay inay macquul tahay inay qaato ugu badnaan saddex sano.

Ra’iisal wasaare Cumar Cabdiashiid oo ka hadlaya dhibaatadda ka dhalan karta haddii qaxootiga dib loogu celiyo Soomaaliya xiligan ayaa yidhi, “Xiligan ma doonayno in dawladda Kenya ay dalkeeda ka soo saarto qaxootiga Soomaalida ah, maxaa yeelay tani waxay keenaysaa in amaan daradu sii badato, haddii qaxootiga sidan oo kale loo saaro xiligan. Iyadoon bulshadda rayidka ahi waxba u diyaarsayn”.

“Qaxootigani waa dhalinyaro waxaan dhici kartaa inay ku biiraan kooxaha nabad-diidka ah, waxaanay taasi sii kordhin kartaa falalka amni daradda ah ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya”. Sidaasi waxaa yidhi Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dawladda Kenya ay ku adkaysanayso in sanadkan la xidho xeradda Dhadhaab.

“Waxaanu fahansanahay in Kenya ay doorasho galayso sanadkan go’aankan ay gaadheena inuu la xidhiidho arimo siyaasadeed”.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka soo horjeedsaday in weerarkii Jaamacadda Gaarisa lagu qaaday sanadkii hore laga soo qorsheeyey xeradda Dhadhaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.