Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Cambaareeyey Falkii Argagixiso ee Hotel Naasa-Hablood1 Lala Beegsaday

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraxa Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy eheladii iyo qaraabadii muwaadiniintii lagu laayay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, asagoo dhaleeceeyay falkaasna ku tilmamay mid arxan daro ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qaraabadii muwadiintii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay bartamaha Muqdisho. Si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehellada Wasiiru dawlihii Bii’ada ee Xafiiskeyga oo weerarkaasi naftiisa ku waayeey. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo ka soo horjeeda nolosha iyo horumarka ummada Soomaaliyeed,” Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra'iisal_Wasaaraha_Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkan ismiidaamintaa ee lala beegsadey Hotel Naasa-Hablood1 uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dawladda iyo hannaanka loogu diyaar garoobayo dalka in ay ka qabsoomaan doorashooyin.

“Anoo aad uga murugaysan dhibka loo gaystay dadka rayidka ah waxaan ummadda u xaqiijinayaa in falkaas argagixiso uusan hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacab weynaha u sheegayaa inaan u taaganahay difaacooda xili kasta aana xoojinayno amniga guud ahaan,” Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay inuusan jirin dambi ummada Soomaaliyeed laga galo oo ka weyn gumaadka lagu hayo dadka rayidka ah ee aysan jirin wax ay galabsadeen iyo cid ay dambi ka galeen xili lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.