Rag qaraxyo ka fulin rabay Mareykanka oo dacwad lagu soo oogay

Maraykanka – (warsoor) – Maxkamad ku taalla Dalka Meryakanka ayaa dambi kusoo oogtay Saddex nin  oo lagu eedeynayo inay qorsheynayeen inay Weerar ka geysteen dhismo  ay Muhaajiriin, Soomaali ah ka degan yihiin gobolka Kensas ee Dalka mareykanka

three_us_man

Saddexdaan Nin ayaa la aamisan yahay in sababta ay Weerarka u geysanayeen ay tahay naceyb iyo midib takoor ka dhan ah Muslimiinta iyo Mujaajiriinta soo galaya Dalka mareykanka.

Baaritaan ay sameeyeen Sirdoonka Mareykanka ee FPA oo qaatay muddo sideed bilood ayaa lagu ogaaday shirqoolka ay damacsanaayeen raggaan, sida ay sheegtay Xeerilaalinta Maxkamada.

Warka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanayaashaaan ay diyaariyeen saddex gaari oo ay ka buuxaan qaraxyo kuwa sida ba’an wax u gumaada si ay burburiyaan dhismaha ay degan yihiin Qoysas Soomaali ah  iyo goob ay ku cibaadeystaan.

Curtis Wayne Allen, oo 49 jir, Patrick Eugene Stein, 47; jir ah  iyo  Gavin Wayne Wright, 49 jir ah oo ah eedeysanayaasha ayaa haddii dambigaan lagu helo muteysan kara xabsi daa’in

Raggaan ayaa la aamisan yahay in Weerarka ay damacsanaayeen in ay ku beegaan bisha November oo ay dhaceyso doorashada Dalka Mareykanka.

Eedeyntaan ayaa markii ay soo shaac baxday Jimcihii waxa ay walaac galisay Soomaalida Dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa gobolka  Kansas, iyada oo ka baqdin qaba in Weerarkaan uu dhiiragaliyo Kooxaha kale ee xagjirka ah.

Xigasho: SONNA

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.