R/wasaare Khayre“Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in xal waara loo helo dhibaatooyinka aadanaha”

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay kulanka Bangiga Adduunka ee ka furmay magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka, loona yaqaano (Fragility Forum 2018) . Waxuuna ku baaqay in la helo hab cusub oo xoojinaya xal u helida, dhibaatooyinka bani’aadanimadda ee ka yimaada musiibooyinka ka dhasha saamaynta falalka dadka iyo kuwa dabiiciga ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheere oo ka hadlay goloha ayaa sheegay in dariiqooyinkii hore ee wax looga qaban jiray dhibaatooyinku ay dadka badbaadin jireen xilli gaaban, laakiin ay waayo-aragnimadu ina tustay in aanan keenin xal waaara oo joojin kara masiibooyinka imaan kara mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre isagoo ugu baaqaya Beesha Caalamka in ay diirada saaraan horumarinta iyo xal u helida dhibaatooyinka bani’aadanimo ayuu yidhi “Waayo aragnimadeena waxay si cad u muujineysaa baahida loo qabo in la isku xiro lana horumariyo nabadda, iyo amniga,”.

“Waxaynu ka baranay dhibaatooyinkaasi sida looga jawaabo oo kaliya, marka ay musiibo dhacdo, taasina waxay keentaa in dad badan ay ku dhintaaan, arintani waxay ka hor imaanaysaa xeerarka bini’aadanimadda. Hab dhaqankani waxaa uu na galiyay qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh marka la eego nolosha dadka iyo ilaha loo adeegsaday.

Waxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay raadinayso hab ay ku maalgeliso barnaamijyada horumarinta mustaqbalka dheer iyo siyaabaha cusub ee loogu shaqeynayo, isagoo hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo in la helo isbedel deg-deg ah oo ku wajahan xal waara oo rasmi ah.

Sidoo kale waxuu ugu baaqay saaxiibada Soomaaliya in ay is waafajiyaan taageeradooda qorshaha cusub ee ku wajahan nabadda, xasilloonidda iyo barwaaqaynta Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan habkii hore loogu dhaqmi jiray.

Madashani waxay 2018 kulmisay dadka iska leh ka go’aan qaadashada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta, iyo nabadgelyada bulshooyinka caalamka, si loo wadaago xal wax ku ool ah lana sahmiyo siyaabo cusub oo lagu wanaajiyo hababka horumarinta si loo dhiiri-galiyo nabadda iyo xasilloonida.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.